Daawo soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo ee dalka Talyaaniga iyo ujeedka socdaalkiisa

Wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Roma ee wadanka Talyaaniga ayaa si diiran loo soo dhoweeyay, iyadoo ay ka qeyb qaateen madaxda dalkaasi Talyaaniga iyo jaalyadda Soomaalida dalkaasi ku sugan.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyay ujeedka socdaalka Madaxweynaha, isagoona sheegay inuu casuumaad ka helay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga.

Madaxweyne Farmaajo socdaalka uu ku joogo dalka Talyaaniga oo qaadanaya muddo laba maalin ah, ayaa kulamo kala duwan la yeelanaya Guddoomiyeyaasha aqalka sare iyo kan hoose ee Baarlamaanka Talyaaniga, iyagoona ka wadahadlaya xiriirka soo jireenka ah ee labada wadan.

Facebook Comments