Amaro Lagu Soo Rogay Shacabka Degmada Balad-Xaawo

Maamulka degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo iyo taliyaha Nabadsugida Jubbaland ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegeen inay awaamiir Cusub kusoo rogay Shacabka degmadaas.

Mas’uuliyiintaan ayaa waxa ay digniin u direen Shacabka iyo Odayaasha Dhaqanka Magaaladaas ay aada dhinaca Al-Shabaab,isla markaana u doonta garsoorka.
Waxa ay sheegeen in cid alaala cidii lagu arkaa,iyada oo la macaamileysa Al-Shabaab in lagu ganaaxi doono lacag dhan 3000,(Saddex Kun) oo dollar,sidoo kalena ciqaab adag ay la kulmi doonto.
Guddoomiyaha degmada Balad-Xaawo ayaa sheegay in Maamulka degmada iyo Al-Shabaab uusan dhex oolin wax heshiis ah sidaasi daraadeedna aan marnaba la ogolaan doonin in dadka Balad-Xaawo ay la macaamiil tamaan.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa dadka degmada Balad-Xaawo waxaa soo wajahay cabsi,kadib markii ay Al-Shabaab kusoo dhawaadeen,waxaana jirta in Maamulka degmada uu ku amray Xaasaska Al-Shabaab inay degmadaasi,isaga baxaan.