Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho.

Maanta ayaa lagu waddaa in Xildhibaanada Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa maanta ah warbixinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo aqrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka mashruuca liilitirka.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Golaha Shacabka ayaa la filayaa in uu shir guddoomiyo kulanka xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Amaanka Xarunta Golaha Shacabka ah ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaliya.