Warbix yar oo kooban Safarka madaxweyne Farmaajo ee dalka Talyaaniga

Madaxweyne Farmaajo oo dawlada Talyaaniga u balanqaaday in xaryo Qaxooti laga furo soomaaliya#

Socdaalka madaxweyne Farmaajo ee dalka Talyaaniga ayaa ah casuumad uu ka helay dawlada Talyaaniga

Booqashadan rasmiga ah ee Madaxweynaha ayaa qaadanaysa muddo saddex maalmood.

Madaxweynaha iyo madaxda dalka Talyaaniga ayaa ka wada hadli doona Mashruuca cusub oo ah in soomaaliya laga dhiso Xero Qaxooti oo dawlada Talyaanigu maamusho.

mushruucan ayaa wali wax badan laga ogeyn waxa dawlada Talyaaniga ku Qasbay inay xaryo Qaxooti ka Furato Gudaha soomaaliya oo ah dal colaad ka jirto.

Dawlada Talyaaniga ayaa waqtiga ku jirta xaalad dhaqaalo xumo oo ay suurta galtahay in. Kacdoon bilaabaan shacabka Talyaanigu kaga soo hor jeedaan siyaasada dawlada uu hogaaminayo Raysal wasaare Giuseppe Conte oo ku fashilan siyaasada kocbinta dhaqaalaha.

Dhaqaalaha Talyaaniga ayaa wali aad uga liita sidii uu ahaa sanadkii 2014 -dii, waxaana dowladda wadaagga ah ee hadda jirta ay ku doodeysaa in la dhaqaajin karo kobaca dhaqaalaha dalkaasi haddii la kordhiyo kharashaadka dowladda.

Dalka Talyaaniga waxaa dhaqaala xumada Haysata uga daran Tahriibka sharci darrada ah ee muhaajiriinta Afrika ka yimaada oo ku qulqulaya dalaka Dalka Talyaaniga.

Wuxuu dalkaasi qaabbilay in ka badan boqolaal kun oo muhaajiriin ah sanadihii lasoo dhaafay, kuwaasi oo qaar ka mid ah ay uga sii gudbaan dalalka kale ee Yurub. Iyagoo xaalad adag ku jira.

Dadaallo lagu doonayo in wax looga qabto qulqulka dadka muhaajiriinta ah ayay dowladda Talyaanigu amartay balse si weyn uma aysan mirro dhalin, dawladaha ugu muhaajiriinta badan ayaa ah itoobiya, sudan, somalia iyo Erateriya.

Raysal-wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa booqasho bishii oktoobar rasmi ah ku maraya dalalka Eritrea iyo Itoobiya.

isaga oo booqasho ku tagay caasimadaha labada dowladood. Wuxuu madaxdaa kala hadlay arimaha muhaajiriinta reer itoobiya iyo Eritrea ee ku qulqulaya dalkiisa.

Wuxuu kaloo dhiirigaliyey nabada ka hanaqaaday guud ahaan Gobolka, gaar ahaa xidhiidhka dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo caadi ku soo laabatay 20 sano kaddib oo colaad u dhaxeysay.

Dawlada Talyaaniga ayaa waqtigan xal u raadinaysa arimaha Qaxootiga oo ay doonaysaa inay Madaxweyne Farmaajo ku qasasabto in uu ogolaado in Qaxootiga soomaalida ee Talyaaniga jooga dib loogu sooceliyo dalkooda soomaaliya.

Dawladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa
waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, oo dhinacyo badan ah Gaar ahaan dhaqaalaha waxbaradhada iyo Tababarka ciidanka.

Madaxda dawlada Talyaaniga iyo soomaaliya ayaa ah mid Taariikh modow ku leh arimaha musuq maasuqa marka laga hadlayo Dawlad wanaag. wixii dagaalkii labaad ee aduunka ka danbeeyey.

Danjire Maxamed Caalim.

Email: Caalim68@hotmail.com

Telfoon: +358458712195

Helisink, Finland.