MAXAA KU DHACAYA RUUXA DHINTA MARKA QABRIGA LA GALIYO?!!

(habeenka ugu horeeya qabriga ilaa 25 sano)

1- Habeenka ugu horeeya qabriga waxaa ur bilaaba (caloosha iyo farjiga) waa labada shey oo bani,aadamka inta uu aduunka joogay ku dadaali jiray mar walba,daraadoodana laga yaabo in uu danbiyo u galay,ilaaheyna faray in la ilaaliyo.intaas ka dib jirka bani,aadamka kalarkiisa ayaa is badalaayo waxaana uu noqonayaa cagaar.

2- Maalinta labaad ee qabriga waxaa ur bilaaba xubnaha sida beerka san babada iyo mindhicirada.

3- Maalinta sedexaad ee qabriga,waxay soo deeyaan xubnahaas shiir aad u xun oo loo adkeesan karin.

4- Asbuuc ka bacdi waxaa barara oo soo fuura guud ahaan wajiga(indhaha carabka dhabanada).

5- Toban maalin ka dib waxaa sii socda bararka laakiin markaan waa guud ahaan jirka oo dhan.

6- laba asbuuc ka bacdi waxaa bilaabma in ay daataan dhamaan timha korka ku yaala.

7- shan iyo toban maalin ka dib waxaa soo urinaya meedka tirxiga buluuga ah,asaga oo ka soo urinaaya meel u jirta 5 KLM.markaasoo jirka dhan isku daboolaa si uu u cuno.

8- Lix bilood ka dib waxaa soo haraya qalfoof kaliya inta kale tirxiga ayaa cunaya.

9- shan iyo labaatan sano ka dib qolfoofta waxaa ka soo haraaya seed yar oo laf ku dhex jirto kaas ayaana nalaga soo saarayaa maalinta qiyaamaha in sha allaah.

Meeshaas ayuu ku danbeynaa jirka bani aadamka oo aan sida aad aragto ugu dadaalno,oo aan ilaahey ugu caasino daraadiisa.

Qabriga maalintii shan jeer ayuu u yeeraa dadka waxa uuna dhahaa:

– aniga waxaan ahay guriga kalinimada ee qura,aanka baro oo aqriso si aad u weheshato qabriga.
– Aniga waxaan ahay guriga mugdiga ee salaada ku dadaal si uu kugu iftiimo qabriga.
– Aniga waxaan ahay guriga ciida ee gogoshaada ka dhigo camal wanaagsan.
– Aniga waxaan ahay guriga masaska ee bisinka ku dadaal in aad qabsato mar walba.
– Aniga waxaan ahay guriga munkar iyo nakiir ee ku dadaal aqrinta iyo dhawaaqista ashahaadateenka.

Walaalahaygow la wadaaga asxaabtiina kale waxaa laga yaabaa in uu sabab u noqdo in aan janada ku galno.

Haddii ay kugu adagtahay aqriska iyo sii faafinta mowduucan ogow uma diyaar garoobin qabriga iyo waxa na sugaayo.

Hadaad mowduucan aqrisatay bilow ilaa dhamaad soo qor(waan aqristay) si laguugu rukumo qoraaladeena kale ee xiga.oo aysan kuu dhaafin.

✍ Maxamed Deeq