Idaacadii Al-Shabaab ee Andolus oo Duqayn lagu bur buriyay.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in la burburiyay xaruntii Idaacadda Al-Shabaab ee Andolus, kadib duqayn xoog leh oo xalay lala beegsaday.

Duqayntaan ayaa ahayd mid lagu bartilmaameedsaday xarunta Idaacadda Al-Shabaab, iyadoo xaruntaan baahin jirtay qaraxyada iyo weerarada Al-Shabaab ay qaadaan.

Wararka waxay sheegayaan in duqayntaasi ay ku dhinteen dhamaan Wariyaashii ka howlgalaayay Idaacadaasi Al-Shabaab ee Andolus.

Dhanka kale dhowaan ayay ahayd markii magaalada Jilib ay ku dagaalameen Maleeshiyaadka Shabaabka dhexdooda,kadib markii uu soo kala dhexgalay shiki ah in qayb ayaga ka mid ah ay doonayaan inay ku biiraan Daacish, taasi oo keentay in gabar ka mid ah Argagixisada ah laga saaro magaalada Jilib.