Diyaarado dagaal oo duqeeyay deegaan ka tirsan Gobolka Mudug.

Wararka laga heleyso deegaanka Maamiye oo u dhaxeeya Camaara iyo Caad ee degmada Xarardheere gobolka Mudug ayaa sheegaya in diyaarad dagaal ay halkaasi duqeyn ka wado.

Akhbaaraadka ayaa sheegaya in duqeynta ay diyaarada deegaankaasi ka bilaawday qorax dhacii galabta ayna Shan Gantaal ku riday saldhig dagaalyahanada Shabaab ay deegaankaasi ku lahaayeen.

Weerarkaan Duqeynta ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jiro wallow weli aan la xaqiijin tirada rasmiga ah ee ku waxyeeloowday, maadama ay weli deegaankaasi duqeynta ka socoto.

Dhanka kale dhawaanahaan waxaa soo kordhayay duqeymaha diyaaradaha ay ka geystaan deegaanada ay gacanta ku haayaan Shabaab iyadoo dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in duqeyn lagu burburiyay Idaacad afka shabaab ku hadli jirtey oo ku tiilay Degmada Jilib.