Shirkii golaha wasiirrada dowlad goboleedka Hirshabelle State ayaa maanta qabsoomay

Shirka maanta waxaa shir gudoominayay Kusimaha madaxweynaha Hirshabelle mudane Ali Gudlaawe Hussein oo ah madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle.

Shirka maanta ayaa aad looga hadlay xeer hoosaadka golaha wasiirrada iyadoo dood dheer kadib ,lago’aamiyay in kulanka xiga la meel mariyo.

Arrimaha Amniga Hirshabelle ayaa sidoo kale aad looga dooday iyo sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ahaan deegaannada hoos yimaada dowlad goboleedka Hirshabelle.

Sadex qodob ayaa looga hadlay waxayna kala ahaayeen :~

1- Xeer hoosaadka golaha wasiirrada.
2-Xaaladda aminaga deegaannada Hirshabelle
3-Socdaalka nabadda xoojinta dowladnimada iyo wacyi galinta bulshada Hirshabelle oo uu ka warbixiyay Lataliyaha sare ee dhanka saxaafadda madaxweynaha Hirshabelle Xasan Cabduqaadir Mudey