Puntland Waa Janna Galaysan tahay 2019

Sidaan hore uga faaloonayba, waayadan danbe waxaa kasocda afrikada bari isbadalo siyaasadeed oo mugleh. Waxaana socda  aragtiyo isbadal oo caafimaad qaba,kuwaas oo ku hagaaya shucuubta geeska afrika dagan hormar iyo barwaaqo. dalka Ethiopia oo ah midka uugu shacabka badan geeska afrika ayaa waxaa ka dhacay isbadal xoogan kadib kolkii xukunka ay la wareegeen wajiyo cusub oo xuquuqdoodii hogaaminta dalka qarniyaal laga hortaagnaa oo albaabka laga xirtay.

Ahmara iyo Tigree oo wada dhashay ahna abasiiniyiin ayaa iska haystay talda dalka oo lagaarnoqday,hasayeeshee ku darsaday in ay dalkii mudo dheer gaarsiin waayeen hormar dhaqaale,mid siyaasad,iyo mid hormar midna. Ehtiopia oo aan xili aad u fog waligeedba helin xasilooni siyaasadeed taasoo ay uugu wacantahay kali talisnimo raagtay.
Hada waxaa yimid Oromo waxaana durba yimid isbadal xoogleh,dhan dhaqaale,dhan siyaaso,dhan nabad galyo,dhan kalsoonida iyo xasiloonida dalka durba ka muuqata. waxaa hada lasugayaa oo indhaha lagu hayaa halka ay dalka gaarsiiso Oromo oo hada ka shaqaysay islaax iyo midnimo iyadoo wadamada dariska nabad lagashay iyo wada noolaansho,sida Eratariya iyo somaaliya iyo jabuuti iyo kenya iyo suudaan iyo ugaandha iyo masar intaba.
Ethiopia waxay dajisay qorshe ay dadkeeda uuga saarayso saboolnimada,waxayna dalkeeda uuga dhigtay afrika fiiso la aan,waxayna ganaacsi xoogle lagashay aduunka in uu maal gashado ehtiopia sida china dalalka khaliijka iyo reer galbeedkaba. waxaa arimahan oo dhan keenay waa hal arin waa isbadalka dhacay.
Puntland waxaa katalinaayay, Halbeel laga soobilaabo 1998-2018 waxaana caado noqotay in beeshu ku kaltanto dhawrkii sanaba jifo hayso iyadoo si horornimo ah looga hor istaagay intii kale ee badnayd shacabka puntland! Mudadaas dheer wax hormar dan guud ah oo shacabkaa loo sameeyay majirto,oo dawladu canshuurta ay qaado iyo lacagaha deeqa ah ee aduunyadu siiso ama dawlada fadaraalka ee dhexe aysiiso oo ah dakhliga soogala Puntland oo ay dadka dib uugu soo celisay waxna uugu qabatay lama hayo. waajiraan mashaariic shisheeye fuliyay oo maalgaliyay sida garoonka boosaaso,kan garoowe oo 45% boqolkiiba afartan iyo shan la musuqmaasuqay kharashkii loogu talagalay nasiib daro.
Ama ha ahaato jaamacad ama isguul danta guud ah oo dawladu dhistay lama hayo sida Isbitaal guud uu maamulka dhisay arimaha caafimaadka waxaa loo tagaa Muqdisho iyo Hargeysa,waxa dhisma ah ee jira hada waxaa dhistay waa shacabka,dhan walba. Amaanka waxaa sugaa waa shacabka iyo odayaasha dhaqanka Puntland.mahayno hanaankii dawladnimo iyo hormarkii laga rabay mudadaas dheer Puntland. waxaana uugu wacan maamulkii oo noqday shirkad laga lacagayso oo dad gaara u xiran. waxaa xadkii dhaafay musuqmaasuqa hareeyay Puntland taasoo ah ceeb iyo wajigabax.
Mushkilada uugu wayni waxaa weeye hal fikir oo kaliya mudadaas dheer oo aan lahayn wax isbadal ah iyo dhiig cusub iyo firfircooni. Maskax gabawday tuujin malaha,nina caano kama maalo sacguray oo duqoobay!
Waxaa dhashay oo hada curtay kacdoon shacabka Puntland dal iyo dibadba oo ah doonis isbadal dhab ah oo ka dhaca Puntland hogaaminteeda 2019 oo bil iyo maalmo inaga xigaan idamkii illaahay. shacabka Puntland beelahooda kala duwan waxay ishaaradoodu qabatay oo ay hoosta ka xariiqeen in shaqsiga uugu mudan ahna kay mudo sugayeen oo u horseeda sinaan iyo cadaalad iyo hormar Puntland uu yahay Abdirisaaq Jannagale.
Run ahaan markaan eegay dhanwalba,haday tahay dadka uu kasoo jeedo iyo qoskiisa,haday tahay aqontiisa iyo kartidiisa hogaan,hadaan eegay go aan qadashadiisa iyo geesinimadiisa,hadaan eegay qalbi furnaantiisa iyo diin iyo dal jacaylkiisa,hadaan eegay sida uu isaga ilaaliyay musuqmaasuq iyo laaluush bixin,hadaan dhuuxay hadaladiisa dhaxal galka ah waxaan qiray in uu yahay nin dhalin kara fulina kara isbadal dhab ah oo ka dhaca Puntland kaaso dan u ah qofkasta oo u dhashay Puntland.
Waxaad arkaysaa sida ay culimadii diinta,odayadii dhaqanka,shacabkii ay uugu soo banaanbaxeen lakulankiisa iyo soo dhawayntiisa si ay ku dheehantay jacayl iyo rabitaan dadka ka imanaya,isagoo sida dadka qaarkiis aan bixin qaybina wax lacag ah, bal in dadku u istaago oo lagu jeclaado lacagtaa kadibna lagu doorto lacagtaas…
Abdirisaaq Jannagele waxaan u aragnaa nin wado xalaal ah iyo hogaan suuban kuwada Puntland,nin la dagaalamaya musuqmaasuqa,eexda qabyaalada iyo qoraabo kiilka. nin midaynaya shacabka Puntland sugayana amaankooda guud.waana khabiir qunyarsocod ah oo ka dhisan dhanwalba waxaana leenahay Puntland waa shacab aad u wanaagsan hadase helay hogaan wanaagsan oo ay kasaaman ka samaan u basaasnaayeen.
Xiiso aad u weyn ayay u leedahay Puntland iyo Soomaaliyaba isbadalkan cusub ee kusoo fooleh doorashada 2019 illaahay idamkiis ka dhacaysa,taasoo ay inoo wada cadahay in Puntland Jannagaleysantahay sanadka cusub inshaa allaah.
Yusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com