Ciidamo cusub oo lagu wareejin doono Amaanka Muqdisho

R/wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu booqday dhowr xerooyin oo ay ku xareysanyihiin Ciidamo kala duwan oo tababar uu socdo waxaana R/wasaaraha ku wehliyey booqashada uu xerooyinkaasi ku tagay Saraakiil ka tirsan ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Xerada Booliska General Kaahiye (Iskuul Boliisiyo) ayuu kusoo gebagabeeyay kormeerkiisa R/wasaare Kheyre halkaasi oo uu kula kulmay Ciidamo Boolis ah oo tababar halkaasi ugu socda waxa uuna ku dhiirageliyay in ay kasoo dhalaalaan tababarka ay qaadanaayaan.

Xoghaayaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq ayaa ka warbixiyay kormeerka uu R/wasaaraha uu ku tagay xerooyinkaasi waxa uuna sheegay in dhawaan ciidamo cusub oo tababar uu u socdo lagu wareejin doono amaanka Magaalada Muqdisho.