Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta Kulan Xasaasi ah ku leh Muqdisho.

Maanta ayaa lagu wadaa in xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan Magaalada Muqdisho, iyadoona kulanka uu yahay mid aad u xasaasi ah.

Ajendaha kulanka ayaa ah aqrinta 1-aad miisaaniyadda dowladda 2019 iyo aqrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah.




Todobaadkii tagay ayay markii Xildhibaanada Golaha shacabka ay ansixiyeen ku noqoshada Miisaaniyadda Dowladda ee Sannada 2018,kaas oo uu horgeeyay Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Amaanka wadooyinka soo gala ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya la soo dhigay Wadooyinkaasi.