Ar Galabta Casharaa Ku Dhaafay !!!

Galabta muddu 4 Saac oo xiriira ayaan joogay xeebta Lido, qado & Neecaaw qaboow kaliya kama faa’iidin, waxaan waqtigaa intiisa badan qaadanayay Cashar ey i seeyeen 5 Oday.

Kuwaa oo kala ahaa:

1- Jen. Muse Xassan. Ciidamada Ka sokoow waxa uu ahaa Safiirkii Somalia ee Dalka Talyaaniga.

2- Jen. Muse Maxamed Abtoow. Ciidamada Ka sokoow waxaa uu ahaa Military attacee u joogay Somalia Dalka Mareykanka waqtigii kacaanka, kadibna Dalka Turkiga.

3- Jen. maxamed Aden Biixi. khabiir Sare ee Arrimaha ciidamada.

4- Dr. Xussein Caato dhaqaala yaqaan, ahaana Wasiir Ku xigeenkii Maaliyadda waqtigii kacaanka haddana Xubin Ka ah Guddiga dhaqaalaha Qaranka.

5- Prof. Abdullahi Sheikh “Qaloocow”, dhaqaale yaqaan, hore u soo qabtay xilal badan ee wasiirnimo haddana ah wasiir Ku xigeenka Maaliyadda.

Shantaa Oday iyo wiilkaan yar oo Ardayga ah Kana faa’iideysanayay aqoontooda iyo waaya aragnimadooda. wax badan ayaan Ka faa’iiday, waana uga mahad celinayaa dhamaantood.

Adinkana waan idinla wadaagi doonaa Casharadii aan Ka faa’iiday, haddii ALLA idmo.

Qore: Yahya Amir