Taliska ciidanka Booliska oo sheegay inay maxakamad soo taagayaan 5 askari oo lagu heley falal sharci daro ah.

Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko Taliyaha Ciidanka Booliska oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in la xiray 5-Askari oo ka mid ah Ciidanka Booliska Soomaaliya kuwaas oo magacyo kala duwan oo aysan laheyn Mushaar ku qaadanayey muddo.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in Askartaas dhawaan la soo saari doono Maxkamad Ciidan maadaama ay sameeyeen wax ka baxsan Sharcigga Ciidamada.

“Booliska wuxuu Todobaadyadda soo socda Baaritaan ku sameyn doonaa dadka Dowladda xaquuq uga qaata si-aan sharcigga waafaqsaneyn ama sharci darro ah, cidii arrintaas lagu helana waxaa la hor keeni doonaa sharciga iyada oo aanan ka gambasho laheyn”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Dhanka kale Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in arrintani ay ku guuleysteen, kadib baaritaano in muddo ah lagu hayay ragga la soo xiray,wuxuuna sheegay inay ka kala tirsanaayeen ciidanka Booliska iyo kuwa Xoogga Dalka, islamarkaana ay mushaharaad ay ku qaadan jireen magacyo iyo darajooyin kala duwan.