Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo loo diiday inuu tago Degmada Buurdhuubo.

Cabdi Raxmaan Ibraahim Maxamuud Taliyaha ururka 48 qeybta 43 ee ciidanka Xoogga oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuusan Imaan karin madaxweynaha Jubaland Degmada Buurdhuubo ee Gobalkaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Buur-dhubo ay joogaan ciidamada Militariga Soomaaliya, islamaraaana deegaankaasi aysan imaan Karin mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbland.

Dhanka kale Taliyaha ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu dhibaato ku wado Dowlada Federaalka Soomaaliya, islamarkaana arintaasi aysan u dulqaadan Karin. waxayna arintan ku soo beegmaysa Xilli khilaaf siyaasadeed uu u dhexeeyo Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.