Wararkaka imaanaya Ciidamada Xooggaa Dalka iyo kuwa Galmudug oo is kaashanaya ayaa Maleeshiyaadka Al-shabaab kala wareegay Deegaanka Gool-goole oo qiyaastii 85Km Koofur ka xiga Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud.
Saraakiisha Ciidamada Hoggaaminaya ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegeen in Dagaal kooban uu Halkaasi ka dhacay kadib Maleeshiyaadku isku dayeen inay Deegaanka dib ugu soo laabtaan.
Wararka aynu hada ka helayno Deegaandaas ayaa sheegaya in Ciidamadu Kooxihii Al-Shabaab ee Dadka dhibaatayn jiray ay sii baacsanayaan waxayna Al-Shabaab isaga baxeen Deegaano hor leh maadaama Ciidamada Xoogga Dalku ku sii wajahan yihiin.
Howlgaladaan ay iska kaashanayaan Ciidamada Galmudug iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa la doonayaa in Al-Shabaab looga xoreeyo Meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolka.
Dhanka kale dadka deeganadaas ayaa waxay Ciidamada ka caawinayaan sidii ay u soo sheegi lahaayeen Meelaha ay Al-Shabaab ay ku dhuumaalaysanayaan, iyadoo taasi keentay in Al-Shabaab saakay lagala wareego Deegaano hor leh.