Xilliga ay dhaceyso doorashada KGS oo la shaaciyay

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa kulan ku yeeshay Guddiga joogtada ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed,iyaga oo ku iclaamiyay waqtiga ay dhaceyso doorashada.

17 Bishaan ayaa qorshuhu ahaa in doorashada ay dhacdo balse culeyso Siyaasadeed oo dhacay aawgeed dib loo dhigay,waxaana guddiga iclaamiyeen waqtiga ay dhaceyso doorashada.

17 Bishaan ayay go’aamiyeen in la soo dhameystiri doono Xubmihii Guddiga doorashada ee is casilay,sidoo kalena doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed la qabto 28 Bishaan November.




Dib u dhaca ku yimid doorashada madaxweynaha K/Galbeed Soomaaliya ayaa loo aaneynayaa caqabado ka yimid dhinaca abaabulka, xiisado siyaasadeed iyo loolan hareeyay kursiga madaxtinimada dowlad goboleedka K/Galbeed kaddib markii uu is casilay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, isla markaana dowladda lagu eedeeyay inay faragelin ku heyso hannaanka doorashooyinka.