Safiirka cusub ee Mareykanka uga wakiilka ah Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray.

Donald Yamamoto Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo gaaray Muqdisho, sida uu xaqiijiyay Howlgalka Mareeykanka ee Soomaaliya oo war ku daabacay boogiisa internet-ka.

Danjirahaan oo dhawaan loo magacaabay safiirka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay safar ku maray Goboladda ay Soomaalidu degto mareeykanka halkaas oo uu shaqadiisa ka bilaabay uuna kula kulmay hogamiyeyaasha bulshadda.

“Mareeykanku wuxuu ku dhawaaqayaa inuu yimid Danjire Dolad Yamamoto si uu u hogaamiyo Xafiiska Mareeykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Faderalka ah ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Howlgalka Mareeykanka ee Soomaaliya.

Danjire Yamamoto wuxuu ka mid yahay Danjireyasha mareeykanka ee ugu heer sareeya Qaaradda Africa, waxay calaamad muhiim u tahay in Mareeykanku uu meel muhiim ah geeyay Xiriirka Dadka iyo Dowladda Soomaaliya, ayaa lagu yiri Qoraalka.




Danjirahaan wuxuu la shaqayn doonaa Bulshadda Soomaaliyeed, Dowladda faderalka ah iyo Maamul goboleedyadda si loo dhis mustaqbalka Soomaaliya, iyadoo Bishii October 2017kii ayuu is casilay Stephen Schwarts oo ahaa Safiir uu mareeykanku Soomaaliya u soo magacabay.