ILMO SIYAASIYIIN AH !!!

Markaan yaryareyn ee aan Baadiyaha joognay, inta uuna dhicin XIDDIGA WAXARA XERE waxaa Nala dhihi jiray: Gasadda Ariga Dhacan saara waxaa soo socda Weer iyo Dawaco baahane. F.S: 1aad.

Waxaa kale oo nala dhihi jiray Aqalka gala ee Af ridka soo deysta, waxaa soo socda Reer Aakhireed baahan F.S: 2aad.




Intaba waan fahmi jirnay.

Waxaan fahmi waayay, Maanta ayaan arkay Ciyaal magaal isku xujeynaya sheeg xiriirka siyaasadeed ee Nagala dhexeeya Itobiya, Eriteria iyo Walaalheena Jabuuti.

Wiilkii:
1- Garabka ayuu nuuxiyay wuxuuna yiri: iyaaaaw.
2- kadibna farta Mudursatada ah ayuu qaloociyay.
3- kadibna Labada Faryar ayuu isku duubay.
Wuxuuna yiri: xiriirka siyaasadeed ee nagala dhexeya waa sidaa. F.S: 3, 4, 5aad.

Noo sheeg haddaad ciyaal magaal tahay, Muxuu ula jeedaa?.

Qore: Yahya Amir