Mushaarka Ciidamad waa mashruuc fashilmay

La Xisaabtanka iyo Hubinta Hanaanka Shaqo iyo Qorshayaasha Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka waa mid ay Hubinteeda iyo Xaqiijinteeda uu lee yahay Baarlamaanka Dalka, waana Shaqo uu qabto Baarlamaan walbaa oo dal uu lee yahay.

Falanqeynteydan waxaan ku Eegayaa, uguna Iftiiminayaa Bulshada Soomaaliyeed Arrimaha amniga iyo Miisaaniyadda ku baxda Ciidamada Dowladda Federaalku sheegto inay siiso Mushaaro.

Sida aan Wada Ogsoonahay: Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa 12-Nev-2018 ka dooday ku noqoshada Miisaaniyadda Dowladda 2018 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirka Maaliyadda XF Soomaaliya Dr. Beyle, oo Miisaaniyadda Hor-geelyay Baarlamaanka ayaa Su’aalo ka weydiiyeen Xildhibaanadu Miisaaniyadda, gaar ahaan 17 Milyan oo uu Sheegay inay ku baxayso Ciidamada.

Wuxuu wasiirka maaliyadu sheegay in dawladii caawin jiray ciidanka Xooga dalka iyo booliiska aan la aqoon tiradooda iyo madaxdooda ay joojiyeen dhaqaalihii ay ku caawin jireen dawladaha shisheeye mana sheegin in samabta ay u joojiyeen ahayd arimo musuq maasuq dartood oo ay hore u sheegtay dawlada Maraykanku oo ciidanka xooga dalka ka caawin jirtay cuntada iyo musharaarada Qaarkood ciidanka.

Waxaa uu sheegay beyle in 17 Milyan oo kamid ah Miisaaniyadda ay u Qorsheeyeen Ciidamada Dowladda, oo Dowladihii Taageeri jiray ay ka jarteen Kaalmadii.




ay Wasaaraddu hada bixiso. Hadaba Su’aashu Waxa ay tahay Ciidamada Mushaarka Qaata aawaye ? waxay ka qabteen amniga muqdisho iyo balcad moqdisho iyo agooye oo ah weelo maalinkasta shacabka lagu waxyeeleeyo caasimada muqdisho aad ugu dhow.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee haatan uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, ayaa Qorshaheedu ahaa inay Nidaamiso Ciidamada Qalabka

sida, si loogu diyaariyo inay Dalka kala Wareegaan AMISOM si dhameys tiran 2020-ka, waxaan arrintaas ay haatan u Muuqataa inay Fashilmatay.

In Dowladda Federaalku ay dhisto Ciidamo Qaran oo Gobalada oo dhan la Isaga keenay iska daayee, waxaa ay Bur-burisay ciidamo Mudada jirtay oo ay ka mid yihiin Ciidamadii Nabadsugida iyo Sirdoonka ee NISA oo ay ku kula dartay Saldhigyada Booliska Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Sameystay Ciidamo gaar ah oo lagu Sumaday Xoogga Dalka oo loo Bixiyay 14 October, halka Ra’iisulwasaare Kheyre uu dhistay Ciidamo loogu Magacdaray Xasilinta, waa ciidamada
Mushahaarada loo raadinayo kuwaas oo aan la Qeexin Ujeedada Rasmiga ah eek a dambeysa aas aaskooda,

Marka laga soo tago Xiligan Xasaasiga ah
Waxaa jira ciidamo badan oo wada sheegta ciidanka xooga dalka iyadoo loo kala Qaadin waxay u dhisan yihiin Qaab Qabiil ama Deegaan,

Iyagoona Marar badan ay dhacday inay qeyb ka noqdaan Dagaal beeleedyo ka dhacay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Kulankii Baarlamaanka ee Amniga Dalka uga hadlayeen waxaa ay si Cad u sheegeen in Xukuumaddu ku Fashilmatay Amniga Qaranka, Dalkuna galay Xaalad Halis ah iyo Dagaal Beeleedyo horay looga soo Gudbay.

Tilmaamaha aan soo xusay oo idil waxaa ku Cadeynaya Fashilka amni ee ka jira Caasimada Muqdisho.

marka laga soo tago Gobalada kale ee Dalka, waxaana Muqdisho Hareeyay Dilal iyo Qaraxyo aan loo Meel-dayin oo Galaaftay Nolasha Boqolaal Soomaali ah, kuwaas oo uu ugu Dambeeyay Qaraxii 9-kii Bishan Nevamber ka dhacay Muqdisho.

Wasiir Beyle misaaniyada ciidanku waxay amniga ka qabataa?

Hadii Ciidamo Qaran oo la Ogsoon yahay aysan jirin, Hadii Dalkii ay Gil-gilayaan Qaraxyo iyo Dilal, Hadii Al-Shabaab ay Kordhisatay Deegaanada Gacanta ugu jira,

Aniga oo Tix-raacaya Hadalo iyo Su’aalo Shalay Wasiirka ay weydiiyeen Xildhibaanada Qaarkood iyo Jawaabihii Wasiirka yaa waxaa ii Muuqatay Maahmaah Soomaaliyeed oo aheyd

Quud Aan Jirin Qoryo u Guro oo aan ula jeedo Wasiirku 17 Milyan Ma Ciidamo aan jirin yuu ku Biilaa! 17 Milyan ma aha Dhaqaale Ciidamo Qaran oo Dhisan looga Qoondeyn karo Miisaaniyad Sanadeed dhan oo Dalkeenu lee yahay,

Waayo Ma ku Filna Macalaa Adeegyadooda Aas aasiga ah Mushaar Iska dhaaf ee.
Ugu Dambeyntii, xildhibaanada Golaha shacabku ma aha inay Aqbalaan Wax Walbaa oo loo Qoro.

laguna han dado xildhibaanada waxaad isbaaro u dhigateen mushahaaradii ciidanka Qarank

Waa arintida gaaban ee waa kooxda Nabad iyo Geeri ee xukumada Raysal wasaare khayre.

Shacabkana Waxaa Matala Golaha Wakiilada Baarlamanka Faderaalka Soomaaliya, waxaana ugu baaqayaa inay Dhab u Gorfeeyaan Xaqiiqada, soona Bandhigaan Runta, Iyagoona Mucaarad iyo Muxaafid isigu kala sooceyn

Danta Qaranka.
W/D: Danjire Maxamed Caalim
Kala soo Xariir: caalim68@hotmail.com

Mushaarka Ciidamad waa mashruuc fashilmay# La Xisaabtanka iyo Hubinta Hanaanka Shaqo iyo Qorshayaasha Wasaaradaha…

Posted by Danjire Mahamed Caalim on Tuesday, November 13, 2018

Facebook Comments