Khatarta cudurka Sokorowga oo laga digay

Wadamo badan oo ku yaal caalamka ayaa waxaa ka socda kulamo lagu xusayo maalinta cudurka sokorowga ee la xuso sanad walba 14 bisha November.

Meelaha laga xusay ayaa waxaa ka mid ah magaalada dooxa ee dalka Qatar iyadoo muwaadiniinta u dhashay dalkaas ay qaarkood la nool yihiin cudurkaan.

Xukumada Dooxa ayaa ku dhawaaqday in ay mareykanka kala qeyb gali doonto dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah cudurkaan si looga guuleesto.

Ku dhowaad 425 million oo ruux oo ku nool caalamka ayaa qaba cudurkaan sida ay sheegtay hey’ada caalamiga ee maareynta sokorta wadamada bariga dhexe iyo waqooyiga Africa ee loo yaqaan (MENA).




Dalalka ugu badan ee cudurka sokorowga dhibaatada uu ku hayo ayaa waxaa kaalinta koowaad ugu jira waqooyiga Afrika iyo bariga dhexe halka kaalinta labaad ay ku jirto waqooyiga America.

Walaaca qadar ayaa sii kordhay iyadoo muwaadiniinta ku nool dalalka sacuudiga Imaaraadka Baxreyn iyo Qatar ay cabasho ka muujinayaan Sokorta.

Mareykanka iyo Qatar ayaa iska kaashan doono cilmi baaris iyo daaweyn lagu sameeyo dad ka qaba cudurka sokorta si xalwaara looga gaaro dhibaatada uu ku hayo bulshada.

Facebook Comments