Dibadbaxyo iyo kulamo aan caadi aheyn ee lagu taageerayo mid ka mid ah musharaxiinta K/Galbeed oo ka dhacay Baydhaba + Sawirro

24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa magaalada Baydhaba ka dhacay dibadbaxyo iyo kulamo gaar gaar ah oo ay sameynayeen qeybaha bulshada ka soo jeeda gobolada Bay, Bakool iyo Sh/hoose isla markaana ay ka soo qeyb galeen boqollaal dadweyne ah oo isaga kala yimid goboladaasi.

Waddooyinka magaalada Baydhaba ayaa waxaa maanta isugu soo baxay dadweyne fara badan, kuwaasi oo iyagu sitay boorar iyo sawirrada musharax Xuseen Cismaan Xuseen, iyagoona ka dalbaday xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka beelaha degan K/Galbeed in musharaxaasi loo doorto madaxweynaha cusub.

Dadweynaha oo socod dheer ku marayay waddooyinka waaweyn ee magaalada Baydhaba ayaa ku qeylinayay “Xuseen Cismaan Xuseen waa Madaxweynaha dowlad goboleedka K/Galbeed, waa hoggaamiyaha horumarka iyo sinaan dadka K/Galbeed” iyo ereyo kale.




Dibadbaxyadaan oo ay soo abaabuleen qeybaha bulshada K/Galbeed oo isugu jira ururrada u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada, sida Dhallinyarada, Haweenka, Aqoonyahanada iyo shacabka daneeya arrimaha saddexda gobol.

Wararka kale ee naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in xalay kulan ballaaran uu ka dhacay magaaladaasi, kaasi oo ay isugu yimaadeen dhallinyarada K/Galbeed, waxaana xubnihii halkaasi khudbadaha ka jeediyay ay hoosta ka xariiqeen in musharax Xuseen Cismaan Xuseen uu yahay mas’uulka xilligaan dhibaatada ka saari kara dowlad goboleedkooda.

“Anigoo ku hadlaya guud ahaan shacabka ku dhaqan gobollada K/Galbeed Soomaaliya waxaan ka codsaneynaa Xildhibaanada Baarlamaanka inay madaxweyne u doortaan Xuseen Cismaan Xuseen, anigoo halkaan uga mahad celinayaa Xildhibaanadii horay nooga aqbalay codsigeena” ayuu yiri Mayow Isaaq Cali oo khudbad ka jeedinayay kulankaasi.

Dhinaca kale xubnaha iyagu halkaasi ka hadlay ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xaaladda adag ee iminka ka jirta gobolada K/Galbeed, iyagoona tilmaamay in maamulka halkaasi ka jira aanu u istaagin wax ka qabashada baahiyaha heysta bulshada ku dhaqan goboladaasi, sidaasi darteedna loo baahan yahay in Baarlamaanku doorto Xuseen Cismaan oo ay sheegeen inuu yahay kan ka soo bixi kara howlaha culus ee horyaalla.

Dibadbaxaan oo ah kii ugu ballaarnaa ee Baydhaba loogu sameeyo musharax Madaxweyne ayaa ah midkii ugu horeeyay tan iyo markii halkaasi uu ka bilowday ololaha doorashooyinka, iyadoo Xuseen Cismaan Xuseen uu noqday musharaxa ugu taageerada badan gobolada K/Galbeed.

Facebook Comments