Nin derbi jiif ah oo axsaan u sameeyay darteed lacag fara badan ku helay

Olole dhaqaale oo nin darbi jiif ahaa lacag loogu ururinayay ayaa gaartay 100,000 oo ah doolarka dalka Australia.

Ninkaan oo ka mid ah dadka aan guryaha haysan ee gidaarada seexda ayaa joojiyay nin magaalada Melbourne mindi weerar ku gaysanayay oo waxaa uu ninka dhankiisa u riixay Trolle-ga alaabta looga qaato goobaha laga dukaameeysto.

Michael Rogers, ayaa waxaa baraha bulshada looga bixiyay “Ninka “Trolle-ga” Kadib markii maalintii jimcaha ahayd uu ka hortagay Hassan Khalif Shire Ali oo isku dayayay in uu tooriyeeyo laba sarkaal oo boolis ah.

Ninka dambiilaha ah, waxa uu dily milkiile goob lagu qaxweeysto, waxaa uuna sidoo kale dhaawacay laba qof oo kale.

Balse markii dambe isaga qudhiisa ayaa la toogtay waxaa uuna ku dhintay gudaha cisbitaalka.




Mar ay warbaahinta wax ka weydiisay Mr Rogers oo 46 sano jir ah sida uu u wajahay ninka: waxa uu yiri, ” waxa aan ku tuuray Trolle-ga kadibna waan qabtay inkastoo aysan ii suura galin in aan dhulka dhigo. ”

Bog lagu magacaabo GoFundMe oo lacag lagu uruuriyo ayaa ka caawiyay Mr Rogers in uu helo lacagtaasi.

“Shakhsi ahaan waa uu u qalma in uu loo uruuriyo lacagta,” ayay wakaaladda wararka u sheegtay Stolzenberg oo ah aasaasaha bogga GoFundMe.

Markii bogga lagu qoray arrintaan, 3,388 oo qof ayaa lacago bixiyay, waxaana booggaan barta Facebook lagu wadaagay 11,000 oo jeer.