Musharax Cabdirisaaq Janagale oo si weyn logu soo dhaweeyey Gaalkacyo

Mudane Abdirisaaq oo salaamaya shacabkiisa sida weyn usoo dhaweeyey Galkacayo.
Waxaa dhawaan soo caga dhigtay gayiga Puntland,magaalada Gaalkacayo musharaxa sida aadka ah loo sugaayay,oo u taagan qaba shada xilka Madaxweyne ee Puntland 2019. waa siyaasi aqoon yahan ah oo ruugcadaaya.waa Professor ay ka muuqato aqoonta durugsan ee daayinkeen siiyay. Waa nin uu dhalay wadanigii halgamaaga ahaa ee ku jiray s.y.l lana soo shaqeeyay dawladihii inoo dhismay 1960-1990 kii waa Cabdullahi jaamac janagale illaahay ha unaxariistee.



Waxaan ukala harin soo dhaweeyntiisa shacabka soomaaliyeed ama ha ahaadeen kuwa Puntland ama ha ahaadeen kuwa Galmudug. maxaayeelay Cabdirisaaq janagale waa nin ah soomaali. waxa uuna kamid yahay sida ay cadeeyeen dadka aqoonta gaarka ah u leh Professorka, dadka leh aragti iyo hal abuur siyaasadeed oo dalkeena wax looga badli karo marka la eego xaalada uu ku sugan yahay hada.
Isusoobaxa iyo marxabaynta iyo soo dhawaynta Mudanaha lagu qaabilay, waa mid ka turjumaysa heerka xaqiiqda ku qotama oo ah rabitaanka shacabku rabaan in uu xilka madaxweyne qabto Janagale doorashada 2019 taasoo ah isbadal dhab ah Puntlanda sugaysay in mudo ah.
Loomakala harin,haday tahay odayaal ruug caadaya,iyo madaxya weyntii mudug. haday tahay aqoonyahano, culimada diinta, barbaarta, leh hablo iyo wiilalba, haweenka, ururada bulshada, siyaasiyiinta, hay adaha dawlada ee kala duwan,looma kala harin bulshadii ku noolayd magaalada Galkacayo.maamuus iyo soo dhaway heerkii usareeyay ayaa lagu qaabilay Mudane Janagale.
waxa uu halkaa ka jeediyay salaan iyo duco uu ku khatimay. Waxaana loo galbiyay hoygiisa isagoo barnaamij socdaal oo u kuurgal ah xaalada dalka ku kala bixin doona guud ahaan Puntland,gaar ahaan kabilaabaya dhawaan gobolka mudug ee uu kasoo jeedo.
Durba hadalada dhaxal galka ah ee dadka qalbigooda taabtay waxaa kamid ah,isagoo dadka dib u xasuusiyay sharafka iyo qayimka karaamo ee illaahay siiyay isagoo tusaalaynaya sida dadkii loo qiimo tiray diin ahaan akhlaaq ahaan iyo dhan walba hadalkaas oo kooban ayaa wuu yiri Professor janagale “DADKU IIB MAHA” 



Ninkii meel dheer wax ka arkaa in taas ayaa kufilan, ileen nin lagu iibsaday lacag ayaa waxa uu iibinayaa tahay,wixii uugu qaalisanaa oo ah diintiisii, cadaaladii,sinaantii, sharaftii, xurmadii qofnimo, dadnimadii, dalkii iyo dadkiiba nin lacagyar dhaafsaday weeye intaas oo dhan. tiibuu diidan yahay oo dadka caqligoodii buu soocelinayaa iyo fahan ah aduunkooda iyo aakhiradooda kolkaa dadku iibmaha weeye. noomana qalanto in layna iibsado oo maadi liita laynaga dhigo oo cad quureed loo tuuro.
Maxaa kuubaxay weeye! waxaa iibaxay iftiin iyo nuur sidii shamsadii usoo baxay,oo cagta usaaraya Puntland Hogaamin,caadaalad iyo sinaan intan oo dhasha hormar. aad ayay shacabka puntland u fikireen oo  u garteen in ay qabsadaan bilaan oo doortaan shaqsigii midayn lahaa difaacilahaa dantoodana kashaqayn lahaa waa professor Abdirisaaq Janagale.
Waxaan u rajanaynaa Puntland hormar iyo barwaaqo.