Wasiirka Arrimaha Gudaha S/Land Oo Lagu Weeraray Sool

Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay maanta weerareen wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somalilanad Maxamed Kaahin oo ku sii jeeday deegaanka Dhumay ee gobolkaasi.

Wasiir Kaahin ayaa la sheegay in uu u socday ka qaybgalka kulamo nabadeed oo deegaankaasi ay ka wadaan Waxagarad ka kala yimid Somaliland, Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia.




Illaa iyo hadda lama oga waxa ay yihiin maleeshiyaadka hubeysan ee weeraray wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin.

Xariiro aan la sameynay maamulka gobolka Sool ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan weerarkaasi.

Balse waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan Ciidamada S/land oo lagu baadi goobayo Raggii ka dambeeyay dhacdadaasi.

Muddooyinkii dambe waxaa gobolka Sool ka jiray xiisado u dhexeeya maamullada Somaliland iyo Puntland.