Warbixin gaaban oo ku saabsan Siyaasadaha wareeray ee Sweden iyo America:

Siyaasadda Sweden waa wareertay waana leys mari la’yahay. Annie Lööf waa lala yaaban yahay. Xulufada midigna diidday, kuwa bidixna diidday. Waxay leedahay waxaan rabaa inoow Ulf Kristersson xulufada garabka midig uu noqdo ra’isulwasare haddaba diidday inuu hoggaanka qabto, Stefan Löfven xulufada garabka bidixna diidday.

Iyadana isu soo sharaxay in loo dhiibo hoggaanka iyaga laga diiday. Hadda waxay ku baaqday maadaamma uu ballan qaaday Ulf Kristersson inuu isa soo sharaxo arbacada inuu noqdo ra’isulwasaaraha Sweden. Iyana waxay ballan ku qaadday iney ka soo horjeesaneyso.

Arrintu in doorashada lagu celindooney u badan tahay….. maxay soomaali dhahdaa talaadaba iidaa kooyaasee! Hadda waa arbacaba iidaa kooyaasee……!




Arinta mareykanka Trump dhibkii lala rabay in badan waa ka baxsaday. Doorashadooda loo yaqaan doorashada dhexdhexaadka maadaama 2 Sanoba markuu madaxweyne xukunka hayo la qabto. Maadaama ay maraykanku leeyihiin aqalka sare iyo golaha baarlamaan ka Trump wuxuu xisbigiisu jamhuuriga weli haystaa aqalka sare (51 iyo 45) halka xisbiga demoqraadigu uu u badan yahay golaha baarlamaanka (219 iyo193).

Tani macnaheedu waa Trump wuu sii wadan karaa xilka qaadista iyo u magacaabista qofkuu doono. Laakiin saddex shey baa xagga baarlamaanka looga batay dhib uga imaan doona.

1) Baaritaanka lugta uu ruushku ku lahaa doorashadii mareykanka, 2) Canshuurta uu bixiyo madaxweynaha inuu caddeeyo
3) Impeachment oo macnaheedo yahay in madaxweynaha (Trump) la saaro maxkamad. Waa saddex aad u adag.

Si uu uga hortago una carqaladeeyo baaritaannada wuxuu casilay dhawr madax ah oo uu ugu dambeeyey Jeff Session xeerilaaliyihii guud qaranka mareyka oo uu khamiistii si kedis ah u ceyriyey una diiday inuu usbuuca dhameysto, kana dhigay inuu isagu rabay sidaa. Wuxuu mar wariye ka socday CNN-ka ee rabay inuu su’aale ka weydiiyo arimahaas ku diray ciidamada ilaaladiisa kuna amray in kaarka wereyenimo ee aqalka cad ku galka laga qaado weriyahaas. Waana arki doonnaa waxa xiga…….. maxay ahayd -talaadaba….!!