Muwaadin Soomaaliyeed oo isku dhex gubay xero Libya ku taala..

Telefishinka Al-Jaziira ayaa baahiyay in muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay C/casiis uu isku dhex gubay xero lagu hayo dadka tahriibayaasha ah oo ku taala caasimada dalka Libya ee Tripoli.

Dhacdadaan oo dhacday muddo haatan laga joogo Sadex todobaad C/casiis oo 28 jir Soomaali ahaa ayaa shidaal isku shubay kadibna dab is qabadsiiyay wax yar kadib markii uu la kulmay xubno ka tirsan hay’adda Q,M u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR kuwaasoo u sheegay inay ka bixin karin xerada oo uu codsaday in laga bad baadsho.

Xubno ka tirsan hay’adda UNHCR ayaa dhawaan booqday xerada Taariq Al-Sika oo ah xarun ay ku jiraan tahriibayaal badan oo African ah Soomaalina ay qeyb ka yihiin.

Qof ka mid ah dadka Soomaalida ah oo xerada ku jira ayaa u sheegay Tv,ga Al-Jaziira inuu arkay muwaadinka Soomaaliga ah oo holcaya kadib markii uu dab isku dhajiyay.

C/casiis oo ah muwaadinka isgubay ayaa xeradaan ku jiray muddo 9 bilood ah waxaana inta uu is gubin uu sheegay in xubnaha uu la kulmay ee Q,M ka socday ay u sheegeen inay jirin wax fursad ah oo meeshaas looga saari karo xilligaan taasoo rajo beel ku riday.

Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda UNHCR oo uu la xariiray telefishinka Al-Jaziira ee warbixintaan diyaariyay waxay u sheegeen in is dilka muwaadinkaas iyo booqashadda waftigooda ee xerada aan la isku xiriirin karin waxaana ay hay’addu sheegtay in C/casiis iyo shaqsiyaad kale la qorsheeyay in xerada laga saaro oo la geeyo dalka Niger marka la gaaro bisha dambe hase ahaatee waxay ka gaabsadeen sabababta ay asaga uga qariyeen.




Warbixinta ayaa sheegaysa in muwaadinka is gubay ay willi xerada ku jirto xaas uu qabay iyo caruur ay dhaleen oo uu ka mid yahay ilmo dhawaan u dhashay.

Qof ka mid ah dadka Soomaalida ah eek u jira xeradaan ayaa sheegay in rajadda uu ka qabo inuu xerada ka baxo ay aad u yartahay waxaana uu yiri “Haddii aan halkaan waqti kale kusii jiro waxa aan sugo waa geeri oo kaliya.

Illaa labaatameeyo ruux ayaa la aaminsanyahay in xeradaan ay ku geeriyoodeen sanadkaan dhexdiisa dadka dhintayna lama yaqaan halka meydadkooda la geeyay oo waxaa ugu war dambeysay ayadoo ay ciidamada xerada illaaliya qaadaan.

Qiyaastii boqolaal ruux oo kasoo jeeda dalalka Soomaali, Eritrea iyo Sudan ayaa ku jira xerada ay dhacdadaan ka dhacday ee Libya ku taala waxaana dadka ku jira ay sheegeen inay dhibaato badan ku qabaan.

xeradaan waxaa lagu hayaa dadka ay qabtaan ciidamada badda Libya iyo kuwa midawga Yurub ee Libya lagu celiyo.

Qaar ka mid ah dad ka baxsaday xeradaan ayaa u sheegay Al-Jaziira in nolosha xeradu tahay mid aad u qalafsan oo ay adag tahay in lagu jiro.

“Habeenka iyo maalintu waa isku mid iftiin arki maysid askartuna si wanaagsan dadka ulama dhaqmaan” waxaa sidaas yiri qof ku jiri jiray xeradaan oo magaciisa la qariyay.

Dadka xeradaan lagu hayo looma ogola inay eheladooda la xariiraan mararka qaarna jir dil ayaa loo geystaa sida warbaahintu ogaatay.

Marka ay xeradaan booqanayaan shaqaalaha hay’adaha samafalka iyo kuwa xaquuqda aadanaha dadka qaba dhaawacyada ama jirkooda nabaro ka muuqdaan waa la qariyaa oo lama soo saaro inta kalena waxaa loogu hanjabaa haddii ay sheegaan in la jir dilo in la dilayo

Xogaha qaar ee la helay ayaa sheegaya in saraakiisha Liibiyaanka ah ee xeradaan gacanta ku haya ay la shaqeeyaan dadka dadka tahriibiya ee magafayaasha loo yaqaan qofkii lacag baxshana ay u ogolnaayaan inuu inta xerada ka baxo uu badda ku safro.

Qof ka mid ah dadka xerada ku jira oo u dhashay dalka Eritrea ayaa sheegay inuu ka rajo dhigay in xeradaan Q,M ka saarto haddase uu qorshaynayo inuu inta lacag iska baxsho uu doon raaco.

Shaqaale caafimaad oo ka tirsan hay’ad la yiraahdo guddiga caalamiga ah ee badbaadada IRC oo bishii lasoo dhaafay xerada booqday si ay adeegyo caafimaad ugu sameeyaan dadka ku jira waxay sheegeen in dadka qaar ay qaadeen xanuunada la is qaadsiiyo sida TB-da oo kale.

Agaasimaha hay’addaan oo la yiraahdo Thomas Garofalo ayaa sheegay in shaqaalahooda ay caabuqa qaaxadda ka heleen 25 ruux oo xerada ku jirta waxaana uu intaa ku daray inay jirto halis ah in dad badan oo kale ay hadda qaadaan maadaama adeeg caafimaad xerada ka jirin.

Soomaalida oo ka mid ah dadka ugu badan ee Libya sii mara marka ay doonayaan inay Yurub galaan dhibaatooyin badan oo aan laga sheekeyn karin ayay kala kulmaan kooxaha dadka tahriibaya iyo xataa ciidamada Libya.

Xigasho: Al-Jazeera

W/Tarjumay Burhaan Diini Faarax

burhandiini@gmail.com