Doorashada Madaxtinimada Koonfur Galbeed oo weji kale yeelatay ..

Waxaad mooddaa in weji kale ay yeelatay Doorashada Madaxtinimada Koonfur Galbeed, ka dib markii uu Arbacadii xilka iska casilay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, isla-markaana uu ka tanaasulay in xilka uu mar labaad u tartamo.

Is casilaadda Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sida la sheegay ku timid heshiis uu la gaaray Dowladda Federaalka Somaliya, taasoo uu dhanka Dowladda Federaalka u saxiixay Wasiirkeeda Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye.

Heshiiskan oo dhawr qodob ka koobnaa ayaa qodobada uu Shariifka ku aqbalay in uu xilka isaga tagga waxaa ka mid ah in aanu doorashadan ka qaybgeli karin Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), xilli Abuu Mansuur uu horaantii toddobaadkii hore buuxiyay dhammaanba sharuudihii laga doonayay, isla-markaana ay Guddigii Doorashada guddoonsiiyeen shahaadadii uu doorashada kaga qaybgeli lahaa. Bishii September ayayna ahayd markii Dowladda Federaalka ay sheegtay inaanu Abuu Mansuur doorashada ka qaybgeli karin, iyadoo taasi sabab kaga dhigtay Mareykanka oo si dhameystiran aan kaga saarin liiska argagixisada.

Guddiga Doorashada oo toddobaadkii hore is casilay ayaa waxay cadeeyeen inaysan waxba ka jirin shahaadooyinkii la guddoonsiiyay Abuu Mansuur iyo xubno kale oo musharaxiinta ka tirsan, lacagihii laga qaadayna dib loogu celiyay koontooyinkooda. Musharaxiinta waxaa lagu wargeliyay in sharuudaha doorashada ay buuxin doonaan, marka dib loo soo magacaabo Guddiga Doorashada.

Ma cadda waxa Shariif Xasan uu Abuu Mansuur kaga hor istaagey in xafiiska uu u tartamo, waxaase loo qaateen ah mid uu ku carqaladeynayo habsami u socodka doorashada.




Musharaxiinta u tartameysa jegada Madaxtinimada Koonfur Galbeed ee ku sugan Magaalada Baydhabo oo dhawr iyo toban lagu sheego ayaa loo kala qaybiyaa heerarka (A, B & C), iyadoo saddexda xubnood ee sareysana ay kala yihiin C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Wasiirkii hore ee Tamarta & Biyaha ee Somaliya, Xuseen Cismaan Xuseen, Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), Kuxigeenkii hore ee Madaxa Ururka Al Shabaab.

Marka laga soo taggo caqabadda la sheegay inay horgudban tahay Abuu Mansuur ayaa dhanka kale waxaa jirta caqabad kale oo hortaagan C/casiis Lafta Gareen, caqabadaas oo ah inaanan laga rabin Deegaanada Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo bulshada reer Koonfur Galbeed ayaa ku sheegaya in Lafta Gareen uu yahay musharax ay wadato Dowladda Federaalka, sidaasi daraadeedna aanay jirin sabab loogu dooran karo xafiiska, iyadoo dowladda lagu dhaliilayo in fara-gelin ay ku hayso doorashada.

Tani waxay dhabaha u xaareysaa fursadaha uu Xuseen Cismaan Xuseen u haysto in uu noqdo Madaxweynaha xigga ee Koonfur Galbeed. Dadka u dhuun-duleela siyaasadda dalka waxay ku sheegayan Taliyihii hore ee NISA inuu xilligan u muuqdo ninka keliya ee bedeli kara Shariif Xasan, haddii aanay wax mucjiso ahi dhicin.

Xubnaha ku dhow dhow musharax Xuseen Cismaan ayaa laga soo xigtay in iminka uu aad u wanaagsan yahay mooralkiisa, sidoo kalena uu kordhiyay kulamada uu Magaalada Baydhabo kula qaadanayo Xildhibaanada Koonfur Galbeed. Xuseen Cismaan oo nin aqoonyahan ah ayaa tan iyo Dowladdii KMG ee Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ku soo jiray siyaasadda dalka, isaga oo xilal kala duwan soo qabtay.

Sida la saadaalinayo haddii Xuseen Cismaan uu noqdo Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa waxay noqoneysaa markii ugu horeysay oo nin ka soo jeeda Beesha Digil uu Madaxweyne ka noqdo Koonfur Galbeed.