Askari lagu dilay Gobalka Mudug.

Askari ka tirsanaa ciidanka booliska magaalada Hobyo ee Gobalka mudug ayaa xalay waxaa ay koox hubaysan ku dilen magaaladaasi.

Askariga la dilay ayaa waxaa la sheegay in ay dileen maleeshiyo hubaysan,waxaana la tilmaamay in ay ku soo weerareen isagoo ku sugan meel u dhow guriga marida ee magaalalada Hobyo.




Sidoo kale xiisad ka dhalay arintaa ayaa xalay ilaa iyo saaka waxaa ay ka taagan tahay magaalada Hobyo ee Gobalka mudug ee mamul Gobaleedka Galmudug

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.

Ma jiraan Wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Amniga ee Hobyo iyo Maamulka Galmudug, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahiyaan dilka ka dhacay Magaalada Hobyo.