Wasaarada Warfaafinta oo ugu baaqday shacabka in ay la shaqeeyaan hay’addaha amaanka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isaaq ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan la dagaallanka Al-Shabaab.

Mudane Aadan Isaaq oo ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkii Al-Shbaab ku qaadeen Hotelka Saxafi ayaa sheegay inay cambaareynayo weerarkaasi.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen laamaha amaanka, waxaan mar labaad iyo mar saddexaad waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa inay banaanka u soo baxaan,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.