Wararkii ugu dambeeyay ee Qaraxyadii Muqdisho iyo qasaarooyinkiisi oo kordhay

Ku dhawaad 30 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxyadii shalay Galabta ka dhacay Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale Goobaha Caafimaadka la geeyay tiro intaasi ka badan oo qaarkood ay qaba dhaawacyo Culus,halka kuwo kalena ay qabaan dhaawacyo Fudud.

Dadka ugu badan ee ay waxyeelado soo gaartay waa dad Shacab ah oo oo Mareeyay wadada ay qaraxyado ka dhaceen.

Qaraxa koowaad ayaa lagu ku dhuftay Hotel Saxafi oo hore loo weeraray.

Qarax kale ayaa isna ka dhacay inta u dhaxaysa Hotel Saxafi iyo xarunta CID oo hoteelka ka soo hor jeedda.

Hotel Saxafi dhabarkiisa waddo yar oo marta ayuu ka dhacay Qaraxa Saddexaad.

Qaraxyadda ka dib rag hubeysan oo tiradooda lagu qiyaasay 4 ruux ayaa isku dayay in ay galaan Hoteelka Saxafi, Waxaana toogtay Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen Qaraxyadii shalay ka dhacay Iridda Hore ee Hoteel Saxafi iyadoo isbitaalada magaalada muqdisho laga soo sheegayo dhaawacyadii lageeyay shalay qaar kooda ay xalay ku geeriyoodaan .

Cabdirisaq Bahlaawi oo ahaa Agaasimihi hore ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya oo xilligii uu qaraxa ka dhacayay ku sugnaa meel aan Hotelka ka fogeen ayaa ka mid ah dadka dhaawacyadooda la gaarsiiyay Isbitaallada Muqdisho haddase waa dhaawac fuduf sida uu sheegay .

Waxaa xusid mudan Meydadka qaar ee yaalla qaar kamid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho in aan weli la garan heybtooda maadama dhaawacyo culus oo sababay in jirdooda uu kala go ay soo gaareyn’.

Ka sokow sheegashada Shabaab, waxaa xusid mudan masuuliyiin dowladeed inay ku dhaawacmeen kaliya Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan C/fataax Mire iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Bahlaawi, iyadoo inta kale ee soo hartay ay yihiin dad rayid ah.