Heshiish hor dhac ah oo laga gaaray dagaal beeleed ka dhacay Sool.

Wararka ka imaanaya deegaanka Dhumey ee Gobalka Sool ayaa sheegaya in heshiis hor dhac ah laga gaaray dagaalkii ka dhacay deegaankaasi.
Odayaal iyo waxgarad dhawaan ka yimid gobalada Sool, Nugaal, Barri iyo gobalo kale ayaa sheegay in la xaliyay colaaddii ka taagneed deegaanka Dhumey ee Gobalka Sool.
Qodobada lagu heshiiyay ee hor dhaca ah ayaa waxaa ka mid ah.
1-In Xabadda la Joojjiyo si shuruud ah.
2-In labada beelood ay Nabadda qaataaan.
3-In gogosha xigta ee Nabadeynta la dhigo magaalada Jig Jiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia.
5-In labada beelood ay iska soo xulaan min 21 Xubnood oo ergo ah.
6-Iyo in ay ku soo diyaar-garooban mudda saddex cisho ah.
Deegaanka Dhumey ayaa dhowr jeer waxaa ku dagaalamay beelo walaalo ah oo wada dega deegaankaasi, iyadoona ay soo noq noqdeen dagaal beeleedyada.

SONY DSC