Dhacdo Soomaali ah oo dhab ah oo looga sheekeeyo in lagu cibra qaato

“Saddexdi Dabaal”
Nin ayaa gabar ka doontay Aabaheed, Aaabihii wuxuu weydiistay 100 halaad, Ninki gabadha soo doontay xoolo iyo xandho wuxuu ka lahaa Boqolka halaad wuuna dhiibay, Gabadhini waa la siiyay.

Ninkii waa watay Ooradiisa, waxay degeen meel yara ka fog halka ay deganaayeen reerka gabadha, mudda marki la joogay waxaa reerkii hareereeyay faqri xoog leh, waxaana habeen habeena ka mid ah u soo martiyay gabadha Aabaheed oo deeq doon ah iyada oo aynan reerka heysan wax ay cunaan habeenkaa.

Ooradi guriga waxay dan biday in ay mid deriskooda ah ka doonto Cunta ay habeenkaa ku mootiso odageeda iyo Aabaheed oo aanan xaalka reerka war u heyn, maskaxdiisana ay ka baxday in uu ninka gabadhiisa qabo uu horay ugu soo qaatay xoolo wuxuu lahaa.

Ninkii deriska u ahaa reerka wuxuu gabadhii ku yiri lugtaas Sagaaro qaado, ogowna deynkaas waxaan kaaga bedelanaa Naagnimadaada.

Gabadhi waa yaabtay, waa qaadatay Lugti, balsa subaxnimadi hore, koli waaga nabad ugu baryay ayey isugu yeertay saddexdi nin, Ninkeeda, Aabaheed iyo ninkii deriska u ahaa, waxayna ku tiri ma ogtihiin in aad tihiin saddex dabaal.

Aabaheed waxay ku tiri waxaad deeq u soo doontay nin wuxuu lahaa xoolo iyo xanadho aad gabadhaada kaga soo bedelatay adiga oo ay taa kuu dheertay in aadan soo wareysan xaalka reerkan ku sugan yahay, ninkeedii waxay ku tiri, waa ku mahadsan tahay in aad i soo doonatay laakin waxaad ka marin habawbay in aad wax kala reebato xoolahaaga, sabankana wax u reebato, halkii aad xoolahaaga oo dhan ku bixin lahayd rabitaanka nafteyda, ninkii deriska ahaay waxay ku tiri, gabadh boqol halaad laga soo dhiibay ayaad rabtaa in aad korkeeda ku gaarto “Lug Sagaaro”.

Hadda MW Farmajo wuxuu RW Abiy ka rabaa inuu u lug qabto Somalida oo dhan si uu dalka Somaliya u sii xukumo, awoodna ugu helo inuu noqdo Madaweyne amaradiisa ka shaqeynayaan Somaliya, deriskana ku ixtiraamaan taa, intaana kaga bedesho khayraadka Somaliya oo ay Badda u horeyso, isma weydiin haddii aad dalka siiso Itobiya maxaa xukumee oo kuu yaalo, waxaa u muuqdo oo kaliya si uu Madaxweyne u sii ahaado, yaab.

RW Abiy isagana wuxuu rabaa in uu la wareego Somaliya dhulkeeda iyo baddeeda, isaga oo ka shaqeynayo ama ku hawlan in aynan Somali helin dowlad iyo madax awood u leh inay yac iska dhihi karaan dibandaabyada uu la damacsan yahay Somaliya, balsa waa ka ilduufay aqrinta taariikhda dhaw iyo mida fog iyo in mar dhaw ay Somali 500 oo kun oo askarti Xabashada ah ka soo eryeen dhulkooda iyaga oo aanan lahayn Dowlad, Somalidaas weli waa joogaan.

Diktatori Aforiqi, Qoob sagaaro ayuu ku rabaa in RW Abiy wax kaga siiyo khayraadka Somaliya oo uunan isagaba faro ku heyn…yaab la arag.

WQ: Abdullahi Moalim