Wadooyinka Magaaladda Muqdisho oo Saakay Xiran!

Ciidamadda Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah wadooyinka Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wadada Maka-Almukaramah oo ah mida ugu mashquulka badan Magaaladda ayaa saakay xiran,waxaana lagu arkayaa Ciidamo ka Tirsan kuwa Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamadda sida gaarka u tababaran.

Gaadiidka Dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa loo diiday isticmaalka wadooyinka xiran,waxayna isticmaalayaan xaafadaha.

Sababaha wadooyinka loo xiray ayaa lagu sheegay wafdi ka socda Dowlada Turky-ga oo uu hogaaminayo wasiirka Gaashaandhiga dalkaas iyo Taliyayaal Ciidan oo maanta soo gaaraya Magaalada Muqdisho.