Ciidamada Kenya Oo Gaadiidkooda Jiirsiiyay Askari Soomaaliyeed

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxa ay sheegayaan in Askari uu geeriyooday kadib markii uu dardaray gaari ay wateen ciidamada AMISOM ee howlgalka u jooga Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada falkaan geystay ay yihiin Ciidamada Kenya ee ka howlgalla Gobolka Jubbada Hoose.

Askariga oo kamid ahaa Ciidamada Jubbaland ayaa isla goobta ku geeriyooday, sida ay ku warameen dad goobjoogayaal ah oo xilliga uu falkaan dhacayay goobta ku sugnaa.