Wafdi ka socda Aqalka Sare iyo Beesha Caalamka oo Gaalkacyo ku wajahan

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in Magaaladaasi maanta ay ku wajan yihiin xubno ka tirsan Aqalka Sare iyo Beesha Caalamka.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Madaxa xukuumadda ayaa shalay gaaray magaalada Gaalkacyo,halkaasi oo uu ka furmi doono kulan looga hadlaayo xaaladda Galmudug.
Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu waddaa sidoo kale maanta in ay gaaraan Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo u hoggaamiyo Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.
Ammaanka Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo lagu waddaa in ay kulan yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobey iyo Madaxweyne Xaaf oo xilliggaan ah Gudoomiye ku xigeenka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda.
Beesha Caalamka ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu doonaayo in lagu xaliyo Khilaafka ka dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda oo xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay.