Wabi jabsaday oo dad badan ku laayay Talyaaniga

Labo qoys oo Talyaani ah ayay dhibaato wayn soo gaartay ka dib markii uu karkaarada jabsaday wabi, kaas oo sababay in uu ka kor maro guryihii ay daganaayeen ee magaalada Sicily.

Sagaal ruux ayaa dhacdadaas ku dhimatay dhacdadaas, waxayna isugu jiraan carruur da’doodu kala tahay hal sano, saddex sano, 15 sano iyo waaliddiintood. Saddex ruux oo guryaha ka maqnaa ayaana badbaaday.

Saddex ruux oo kalana waxay dhinteen markii ay biyuhu qaadeen gaarigii ay watteen oo marayay koonfurta jasiiradda.

Maalmo ay mahiigaanno da’ayeen, dabaylo xoogganna ka dhacayeen Talyaaniga waxaa ku dhintay ugu yaraan 17 ruux oo badankoodu ku sugnaa waqooyiga iyo galbeedka.

Waxyeellada ugu waynna waxay gaartay waddooyinka agagaarka Belluno ee gobolka waqooyiga Veneto, maalmo ay socdeen dabaylana waxaa waddooyinka jaray ciid, dhagaxaan iyo biyo.