Soo dhawentii siyaasi Salaad Cali Jeele ee London

Guddomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimuquraadiyada Soomaaliyeed Mudane Salaad Cali Jeele oo safar gaaban ku tegay dalka Britain ayaa si heer sare ah loogu dhaweeyay magaalada London.

Jaaliyada Soomaalida ee wadanka Ingiriiska  ayaa si heer sare ah usoo dhaweeyay siyaasiga rug cadaaga ah; Mudane Salaad Cali Jeele. Xaflad weyn oo heerkeeda aad u sareeyo oo ka dhacday Hotelka Millenium Gloucester Kensington  ee ku yaalo bartamaha magaalada London. Boqolaal ka mid ah  Soomaalida ku dhaqan dalka Britain ayaa  kasoo qeyb galay xaflada Soo dhaweeynta siyaasiga caanka ee masraxa siyaasada.

Sidoo Kale xaflada waxaa ka hadlay dad aad u fara badan oo isugu jiray siyaasiyiin, abwaano  iyo guud ahaan  qeybaha kala duwan ee Jaaliyada Soomaalida UK; sida Ex-Prime Minister Nuur Cade, Ex Xildhibaan Cabdirahman Moalim, Nabadoon  Cali Shiino, Dr Xusen Cali Nuur, madaxa ururka haweenka Nadiifo Qaran, Abwaanad Diyaano, Gudoomiyaha Guud ee Qurba joogta Soomaliyeed Abdullahi Mohamed Aden  Salamullah  iyo aqoon yahano aad fara badan oo aan halkaan lag usoo koobi Karin.

Ugu dambeentii Mudane Salaad Cali Jeele ayaa u jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneesay  oo ee la qiiroodeen jaaliyada Somalida UK.

Ugu horeeyn Guddomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimuquraadiyada Soomaaliyeed ayaa ka mahad naqay soo dhaweenta sharafta badan ee loo sameeyay iyo sida dadweynaha kas soo qeyb galay. Gud Salaad Cali Jeele ayaa uga xog waramay xaalada dalka uu ku sugan yahay si kooban  bulshadii ka soo qeyb gashay xaflada.

Gud Salaad ayaa kusoo bandhigayu  xisbiga uu gudoomiyaha ka yahay mabaadiidiisa, shuruucda iyo ahdaafta Xisbiga Midnimada iyo Dimuquraadiyada Soomaaliyeed uu hiigsanaayo mustaqbalka iyo sida ugu wanaagsan ee loo samataxi bixi karo qaranka Somalia.

Salaad Cali Jeele ayaa ka hadlay muhiimada eey midnimada u leedahay ummada Soomaaliyeed kana digay tafaraaruqa asigoo soo qaatay aayado Quraanka Kariimla ah. Salaad Cali Jeele ayaa ku nuuxnuuxsaday in waqtigii qabyaalada iyo argagixida ee soo idlaadeen hadana dalka diyaar u yahay nidaamka xizbiyada iyo dimiquraadiyada.

Gunaanadkii Mudane Salaad Cali Jeele ayaa u mahad naqay jaaliyada Somalida UK mar labaad soo dhaweeynta balaaran ee loogu sameeyay magaalada London cariga Ingiriiska.

Dhamaad