Somaliland iyo Puntland oo Madaafic is weydaarsaday

Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa ku warramaya in maanta Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ay Madaafiic isku weydaarsadeen qeybo ka mid ah deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi.

Madaaficda oo aheyd mid xoogan ayaa la sheegay in labada dhinac ay is weydaarsadeen iyagoo ku kala sugan fariisamaha ay ku kala leeyihiin halkaasi.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaaraha dhabta ee labada dhinaca ka soo gaaray Madaafiicdaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in arrintani ay walaac xoogan ku beertay, islamarkaana ay ka cabsi qabaan in markale dagaal uu ka dhaco gudaha deegaankaasi.

Dhinaca kale xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiin ka  ka tirsan Soomaaliland iyo Puntland ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan xiisadasi.

Xaaladda ayaa haatan dagan, iyadoona labada Ciidan ay ku kala sugan yihiin fariisimihii ay ku kala lahaayeen halhaasi.

Tan iyo markii Soomaliland ay la wareegtay qeybo ka mid ah Tukaraq waxaa deegaankaasi ka taagnaa xiisado dagaal oo u dhexeeya labada dhinac.