Somali bullet proof.=Gaari aan Xabadda karin Horay u gaar=

Shirkadda Somali BLJ ee Deg. Xamar Jab jab, waxay soo saartay Gaari aan xabbadu Karin oo loogu talagalay dadka dan yarta ah.

Lacagta qeyb qeyb ayaad isaga bixin kartaa, qiima dhimisna waa laguu sameynayaa, hadaadan ahayn Siyaasi, Qurba joog iyo Odayaashii dhaqanka ee wax Ka soo dhisay Baarlamaanka. Kuwaasi waxay u baahan yihiin, Double Bulakeeti extra shamiinto proof.

FG: Gaarigu waxba kaama celin Karo haddii waqtigaagu dhamaaday, iyo haddii Xabadaha markii warshadu sameyneysay magacaaga xagga ALLE looga qoray inay geeridaada sabab u noqdaan.

Baabuurtaan Gobalada diyaarad looguma qaadi Karo.

Soo gaar, Yaan lagaa dhameeysan. Ugu soo hagaag warshadda qalabka dhismaha ee waaxda Xaaji Rajab/ Xamar jab jab. Haddii aad tahay dan yar difaac u baahan.

Qore: Yahya Amir