Taliyaha Booliska Degmada Kaaraan oo xilkii laga qaaday loona magacaabay mid cusub

Wararka laga helayo degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Taliyaha Booliska degmadaasi xilkii laga qaaday isla markaasne Taliye kale loo magacaabay degmadaasi.

Taliye Canjeex oo hori u ahaa taliyaha saldhiga Booliska Degmada Kaaraan ayaa xilkii laga qaaday waxaana loo magacaabay Taliye Cabdi Shiikh Ciise oo kamid ah saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliyeed

Isbadalkaan lagu sameeyay Taliyaha saldhiga booliska degmada Kaaraan ayaa imaanayo iyadoo maamulka Gobolka Banaadir uu wado darder cusub oo uu ku doonayo in uu ku xasiliyo amaanka degmooyinka Gobolka uu ka koobanyahay.