Mareykanka Oo Sheegtay In Uu Duqeyn Ku Dilay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya ay weerar diyaarado loo adeegsaday ay ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyntan laga fuliyay deeganka Araare ee Gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo dhacay shalay ayaa sida bayaanka lagu sheegay waxaa lagu dilay afar xubnood oo ka tirsan Al-Shabab.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) aya lagu xusay in imika ay qiimaynayaan in weerarkaasi ay dad rayid ah ku dhinteen ama ku dhaawacmeen iyo in kale.

Bayaanka ayaa laga sheegay in duqeynta la fuliyay ka dib markii rag ka tirsan Al-Shabaab oo hubaysan ay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayeen in ay ku weeraraan ciidamo bahwadaag la ah kuwa Mareykanka.

Ma jiro wax khasaaro ah oo ka soo gaaray ciidamada Mareykanka howlgalkan oo ay hormuud ka ahaayeen Soomaalida sida bayaanka ku xusan.