Sarkaal Maraykan ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Kabul

Hawgalka uu hoggaamiyo isbahaysiga NATO ee ku sugan dalka Afghanistan ayaa sheegaya in hal askari oo Maraykan ah lagu dilay mid kalena lagu dhaawacay weerar uu soo qaaday qof katirsan ciidmada dalkaas.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qofka weerarka ka gaystay magaalada Kabul uu ahaa askari katirsan ciidamada qalabka sida ee Afghanistan kaas oo “ay dileen isla markiiba” askartii uu katirsanaa.

Askariga Maraykanka ah ee dhaawaca ah ayaa la sheegay in xaaladdiisu ay wanaagsan tahay.

Weerarkan ayaa loo arkaa in uu yahay kii ugu dambeeyey ee noociisa ah, oo qaar katirsan askarta dalka Afghanistan ay ku dilayaan kuwa Maraykanka ama kuwa isnbahaysiga.

Majirto koox ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda weerarkan oo dhacay maanta oo Sabti ah.