Dil ka dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha

Warar la helay Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay halkaasi dil ka geysteen.
Dilkaan ayaa ka dhacay meel ku dhow Shirkadda Xawaaladda Tawakal ee wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha sida uu inoo sheegay qof goob jooge ah.

Wararka ayaa intaas ku daraaya in kooxda dilka geesatay ay durbadiiba isaga baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen waxaana halkaas soo gaaray Ciidamada amaanka oo sameeyay baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxda dilka geesatay.

Maalmihii dambe waxaa gudaha suuqa Bakaara ee Magaalada Muqdisho kusoo badanaayay dilalka qorsheesan.