AQOONYAHAN NUUR CABDI OO BAAQ U DIRAY XILDHIBAANADDA SOOMAALIYA

Tarikhdu markay aheyd 28 Oktoobar wuxuu xildhibaan Cabdalle Xusseen Cali ku eedeeyay Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu faragelin ku haayo doorashada lagu qaban doono koofur galbeed.

Hadaba Anigoo ku hadlaya magaca aqoonyahanada Gobolka Shabeelaha Hoose waxaan halkaan ka cadeynaynaa in uu xildhibaanku fakarkiisa u gaarka ah ka hadlay oo aysan la qabin shacabka reer Shabeelaha Hoose isla markaasna aan aad oogu xunnahay.

Hadalka xildhibaanku wuxuu kusoo aaday xili uu Madaxweynaha ummada Soomaaliyeed uu ku howlanyahay sidii uu garab istaagi lahaa Shacabka reer shabeelaha Hoose asagoo muujiyay dadaal odoynimo Soomaaliyeed isla markaasna ku guuleystay inuu soo afjaro dagaalo mudo sannooyin ah ka socday Gobolka kaasoo sababay musiibo bani aadannimo aad looga naxo.

Booqashadii uu dhowaan Madaxweyne Farmaajo uu ku tegay Gobolka waxay horseeday in uu ku guuleysto kala qaadida wiilasha Soomaaliyeed ee hubka isku heystay.

Waxaa xusid mudan in uu Madaxweyne Farmaajo ku guuleystay inuu xaliyo dhibaatooyinkii gobolka ka jiray taasoo aysan u suura gelin amaba aysanba muhiimada siinin dowladahii ka horeeyay.

Ugu dambeyn, aniga oo ku hadlaayo magaca aqoonyahanada Gobolka waxaan usoo jeedineynaa Xildhibaan Cabdalle Xusseen Cali inuu raali gelin ka bixiyo hadalkii meelkadhaca ahaa ee uu geystay Madaxweynaha Ummada soomaliyeed iyo dowladaba.

Waxaan sidoo kale kula talineynaa guud ahaan xildhibaanada matala gobolka inay yimaadaan gobolka si ay isku bartaan shacabka ay matalaan isla markaasina ay qeyb ugu noqdaan dadaalada hrumarineed ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Mahadsanidiin

Nur Cabdi Mohamed