Sulux Somaliland Lala Galaa Bay Samaantu Ku Jirtaa

Runtii Waa wax la la garaabo Dhibaatadii loo geystay dadweynaha ku dha dhaqan Somaliland. Waxay ahayd gabood fal iyo Xadgudub.
Laakin marka la isku daro xanuunkaas, burburka iyo jahawareerka Soomaali oo dhami ayay ku dhacday oo Soomaliweyn oo dhami ayay saameysay. “waa tii Hal ku dhag looga dhigay Xabadi keento iyo Xabadi saarto”.

Dhibaatada ugu weyn oo dhacday waxay ahay xamaasaddii labadaa arimood ayaa waxay dhalisay Labo qolo oo kala ah:
1. Kuwo goosashada u ololeeya, Koofur oo dhanna u sawira in ay tahay dad xun. Oo in mar dambe koofur la soo hadal qaada ay haboonayn.

2. Kuwo ayagana la yooyootama ama gaashaanka u daruura ee isku daya in si indha la’ sanka uga geliyaan wax la yiraahdo “Muqaddas” iyo midnimo aan la taaban Karin.

In la midoobo iyo in la kala go’aa runtii waa arin dood furan una taal dadka iyo geedi socodka taariikhda. Runtii maanta waxaa khatar weyn ku jira in Magacii Somaliya ahaa in la waayo. Taasoo u baahan in wadajir iyo Kala jir ba loo badbaadiyo.

Bazi Bussuri

bazisomali@hotmail.co.uk