Haweeney loo doortay madaxa maxkamadda ugu sarreysa Itoobiya

Meaza Ashenafi oo ahayd qareen dhanka xuquuqda aadanaha ayaa loo doortay haweeneydii ugu horreysay oo madaxa ka noqoto maxkamadda ugu sarreyso Dowladda Federaalka ee Itoobiya.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa soo magacaabay ,Meaza, xildhibaanada baarlamaanka ayaa ansixiyay inay hoggaanka u qabato maxkamadda ugu sarreyso Itoobiya.

Waxaa maalimihii ugu dambeeyay dalka Itoobiyay qaar kamid ah xilalka ugu sarreya la siiyay haweenka dalkaasi.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Sahle-Work Zewde loo doortay haweeneydii ugu horreysay oo dalka Itoobiya Madaxweyne ka noqota.

Meaza ayaa sannadkii 1995-tii bilowday urur ay ku mideysan yihiin haweenka qareenada dalka Itoobiya, ka hor intaasi, waxay ahayd garsoore ka tirsan maxkamadda sare isla markaasna waxay ka qayb qaadatay qoritaankii dastuurkii cusbaa ee Itoobiya sannadihii sagaashamaadkii.

Facebook Comments