Boqolaalo Milyan oo doolar oo soo gala Soomaaliya oo aan la ogeen meesha ay marto

Beesha Caalamka waxey sannad walba ku bixisaa Soomaaliya boqolaal malyan oo dollar. Tusaale ahaan ciidamada Amisom ee ka howlgala Soomaaliya waxaa bishii ku baxda lacag ka badan 24 malyan oo dollar Mareykanka ah. Ciidamada Amisom tiradooda guud waxey 2016-kii kor u dhaafeen 22 kun oo ciidan ah, lacagtaas inta badan waxaa bixiya EU waxaana laga soo saaraa sanduuq la yiraahdo African Peace Facility (APF) oo qayb ka ah European Develepment Fund. Waxaa kaloo lacagta Amisom qayb ka bixiya dowlada Mareykanka iyo sanduuq qaramada midoowe leedahay ee lagu magacaabo UN Trust Fund for Amisom.

Lacagta Amisom mushaar ahaan ciidamada loo siiyo ka sokow waxaa jira lacag (logistic) ahaan ku baxda dhaqdhaqaaqa ciidanka, shidaalka, tababarada, rasaasta iwm., isku geyn sanadkii waxaa ku baxda lacag dhan US $300 malyan.

Beesha Caalamka waxey kaloo kabtaa miisaaniyada dowlada federaalka kuwa maamul goboleedyada iyo Somaliland. Lacagta World Bank bixiya ayaa qayb ka ah.

Waxaa kaloo jira lacag dhowr boqol malyan ah oo sanad walba la soo marsiiyo hay’adaha qaramada midoobey sida UNDP, UNICEF, FAO kuwasoo hay’ad walba 10 ilaa 100 malyan mashaariic gaareysa ku soo qaata magaca Soomaaliya, hay’adahaas qaramada midoobe ee mashaariicda ay ka fuliyaan Soomaaliya iyaga ayaa qorsheysta, fuliya, isku sameeya dabagal iyo isqiimeyn (Monitoring & Evaluation), dowlada Soomaaliya awood iyo aqoon uma laha in mashaariicdaas dabagal iyo qiimeyn ku sameyso. Lacagtaa tirada badan meel ay ku baxdo iyo sida u baxdo lama yaqaan.

Waxaa kaloo jira boqolaal malyan dollar oo ay soo qaataan International NGOS. Hay’adahaas waxey xafiiyo ku leeyihiin Nairobi lacagta magaca Soomaalida ay ku soo qaataan sida kuwa qaramada mudoowe waxey ay ku fuliyaan howlo kala duwan sida gurmadka abaaraha iyo gaajada, gargaarka barakacayaasha, waxbarashada, caafimaadka, daryeelka caruurta iwm, ma jirto cid la xisaabtanta ama dabagal ku sameysa lacagta ay soo qaataan, isla hay’dii fuliyey mashruucii iyaga uun ayaa isku sameysa dabagal iyo isqiimeyn ( Monitoring & Evaluation). Waa sida qof imtixaan galey oo isagii isku saxey imtixaankii. Ma jirto dowlad ama urur sedaxaad oo daba gala howlaha ay dalka ka fuliyaan.

Lacag bilyan dollar ka badan baa sanadkii Soomaaliya ku baxda, gaajadii, amni xumadii waa sideedii in ay ka sii darto mooye kama soo fiicnaato, horumar warkiisa dhaaf. Suuqii bakaaraha ayaa Al Shabaab, Daacish iyo Tuugo burcad ah maalin cad ganacsatadii baad ka qaadata. Iyadoo magaalada Muqdisho joogaan ciidamada dowlada oo gaaraya 30 kun joogaan iyo kuwii Amisom. Gaajadii iyo faqrigii weli waa sidii Waa yaabe xagee wax iska qaban la’yihiin ?.

WQ: Ilyas M. Hussein