Wakiilada QM, EU iyo AU-da oo kulan la yeeshay musharaxiinta ku sugan Baydhaba

Wufuud ka socotay beesha caalamka oo uu hor kacayo wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Haysom ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba, iyagoona kulamo kala duwan la qaatay madaxda, maamulka iyo musharaxiinta ka qeyb gelaya doorashada dhowaan ka dhaceysa magaalada Baydhaba.

Ergooyinka waxaa kale oo ka mid ahaa wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya iyo wakiilka Soomaaliya ee Midowga Afrika, waxayna wararka aanu ka heleyno magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in kulan gaar ah ay la qaateen Lixda musharax ee u tartameysa xilka Madaxweynaha.

Arrimaha ay ka wadahadleen wafdiga iyo musharaxiinta ayaa u badnaa doorashooyinka dhowaan ka dhacaya magaalada Baydhaba, iyagoona isku afgartay talooyin dhowr ah oo wafdiga beesha caalamka u jeediyay musharaxiinta,

Magacyada musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha oo kala ah:

1. Xuseen Cusmaan Xuseen
2. Mukhtaar Roobow
3. Abdicaziiz Lafta Gareen
4. Yuusuf Baadiyow
5. Aadan Saransoor
6. Aamina Eelayey

Waxay dalbadeen in beesha caalamka ay taageerto hannaanka doorashooyinka madaxtinimada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana maamulka cusub ay ka taageeraan dhinacyada amniga, horumarka iyo dib u dhiska goobaha muhiimka ah.

Dhinaca kale wakiilada Soomaaliya ee QM iyo Midowga Afrika ayaa kulan gaar ah oo ay la qaateen musharax Xuseen Cusmaan Xuseen waxay soo dhoweeyeen ololihiisa musharaxnimo, iyagoona tilmaamay inuu yahay madaxweynaha K/Galbeed gaarsiin kara horumar iyo maamul wanaag isla markaana isku xiri kara maamulkiisa iyo Dowladda dhexe ee federaalka ah.