Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Suudaanta Koonfureed si uu uga qaybgalo Heshiiska Dhinacyada Siyaasadda dalkaasi.

Muqdisho: Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saakay ka amba baxay magaalada Muqdisho,isago ku sii jeeda Dalka Suudaanta Koonfureed.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay inay la xiriirta ka qeyb galka munasabad loogu dabaal dagayo dhameystirka heshiiska dhinacyada isku hayay siyaasadda dalkaasi oo in muddo ah ay dagaallo ka socdeen.

Munaasabadaasi ayaa waxaa ka qeybgalaya hogaamiyaal ka socda Midowga Afrika,Urur Goboleedka IGAD,kuwaasi oo si dhow ula socday xaaladaha murugeysan ee ka taagnaa Dalkaasi Suudaanta Koonfureed.

Dhanka kale Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa ka mid ah wadamada uu xiriirka diblomaasiyadeed uu kala dhexeeyo Soomaaliya,waxaana dalkaasi kunool kumanaan Soomaali ah,kuwaasi oo ganacsi waaweyn ku leh dalkaasi.