Bankiga Aduunka oo Dowladda Soomaaliya siinaya $80 Milyan oo lagu fulinayo Mashaariic kala duwan.

Dr.C/Raxmaan Ducaale Bayle Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) iyo agaasimaha Bangiga adduunka ee Bariga Afrika, Bella Bird, ayaa maanta si wada jir ah u saxiixay $80 Milyan oo ah qaybtii hore ee mashruuca bankiga adduunku uu dawladda Soomaaliya ku abaal mariyay.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in Bankiga adduunku uu aad u soo dhaweeyay hannaanka dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay uga shaqeeyeen hannaanka dayn cafinta kadibna ay go’aansadeen in lagu abaal mariyo $140 Mliyan oo $80 Milyan oo kamid ah guddiga sare ee bank-ga adduunku uu dhawaan ansixiyay.

Agaasimaha Bank-ga adduunka ee Bariga Afrika, Bella Bird ayaa munaasabadda lagu kal saxiixday heshiiska $80 Miylan ah ka sheegtay in Bankiga adduunku uu aad ugu amaanayo dawladda Soomaaliya sida ay xil isaga saartay horumarinta dhaqaalaha iyo geedi socodka hannaanka cafinta daymaha.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in heshiiska maanta iyo heshiiskii dhawaan dawladdu la saxiixatay Midawga Yurub inay muujinayaan dadaalka xoogga badan ee ay dawladdu ay ku doonayso in ay dib ula falgasho caalamka.

Dhanka kale wasiirka ayaa uga mahadceliyay dadka Soomaaliyeed sida buuxda ee ay uga qayb qaateen dadaallada dib u hagaajinta dhaqaalaha dalka,wuxuuna shaaciyay hadii dadaallada ay dawladdu wado la sii dar dar geliyo in lagu tillaabsanayo horumar intaa ka ballaaran.